November 1, 2014

Posts Comments

Shaqaalaynta Shirkada ladagaalanka Dhiqlaha

Español  English Hmoob اللغة العربية

Shaqaalaynta Shirkada ladagaalanka Dhiqlaha(.pdf)

Sida ugu haboon ee aad isaga dabargoyn kartaa hadii dheqle aqalkaaga galo waa adiga oo u yeedha Shirkada ladagaalanka Dhiqlaha ee xirfada gaarka ah u leh sida loo xakameeyo dhiqlaha.  Inta badan dadka iyaku iskood isugu daya inay dhiqlaha aqalkooda kala dagaalamaan inta badhan way ku guul daraystaan.Marka aad go’aansadid inaad shaqaalaysid shirkada ladagaalanka dhiqlaha, fadlan samee baadhitaan badan oo ku saabsan shirkadaha aad isleedahay u yeedho si aad ugala baxdid mida ugu fiican marka aad eegto macluumaadka aad ururisay.

Helida Shirkada Xirfadlaha La dagaalanka Dhiqlaha 

  1.  Isticimaal oo ka baadh bogan “Helida Xirfadlaha” www.pestworld.org, oo ah boga lagu kaydiyo macluumaadka iskaashiga ah ee ladagaalnaka dhiqlaha iyo cayayaanka. 
  2. Gobolka Minnesota, Shirkad kasta oo ah (PMP) waa inay shati sharci ah oo ay ku shaqayso ku leedahay wasaarada beeraha ee gobolkan (MDA) sidaas darteed macluumaadka shirkad kasta oo ka shaqaysa MN boga wasaarada ayuu ku yaala oo aad ka helikartaa. Boqo boga wasaarada beeraha ee ah http://www2.mda.state.mn.us/webapp/lis/pestappdefault.jsp
  3. Macluumaadka sharkada ka eega buuga yellow pages ah adiga oo ka eegaya boga P’da kadibna “Pest”; warbixin dheeraad ah ka raadi  dad kale oo hore ula macaamilay shirkadaas sida xaafadaha deriskaaga ah.

Su’aalaha aad u baahnatahay inaad waydiisid shirkada aad u yeedhanaysid

Marka aad eeg eegaysid shirkada ladgaalanka cayayaanka, waxanu kugula talin lahayd inaad waydiisid su’aalahan: PMP precaution box - Somali

  • Waydii inay ka sharciyaysan yihiin wasaarada beeraha ee gobolka Minnesota.? Waydii inay ku tusaan sharcigooda inta aanay hawsha kuu bilaabin. Hadii aad gobol kale degantahay sidaas oo kale waydii inay sharciga ay ka haystaan wasaarada gobolkaasi ku tusaan. Waydii ina leeyihiin inshuuran bixin kara wixii dhibaato ah ee lama filaan ah sida liabilitiga.?
  • Waydii  inay shirkadani tahay mid xidhiidh la leh hayada iskaashiga ee loo yaqaan national Pest Management Association?
  • Eeg hayada Better Business Bureau oo ah mid ururisa wixii dacwooyin iyo amaan ah ee laga sheego shirkad kasta oo ka shaqaysa dalka.
  • Hubi mudada ay shirkadani shaqaynaysey si aadtaariikha xirfadooda u ogaatid. 
  • Mudo intee leeg ayay shirkada iyo shaqaalaheedu hawshan ku guda jireen? Waydii inay jiraan wax taba baro ah oo ay qaateen  shaqaalahoodu iyo muda’da ka soo wareegtey markii ay qaateen taba baradaas ku saabsan habka loola dagaalamo cayayaanka.?
  • Waa maxay nidaamka u degsan sida ay shirkadu ula dagaalanto dhiqlaha iyo cayaanka?
  • Mudo intee leeg ayay qaadataa nadiifinta ama dabargoynta dhiqlahu?
  • Waa maxay (xilka qof ahaan ku saarani) ama Masuuliyada kaa saran la dagaalanka dhiqlaha iyo cidhibtirkiisa?
  • Waydii shaqaalaha la dagaalanka dhiqlaha PMP, in loo baahanyahay qorshe kale oo soo noqod ah kadib maalinta ugu horaysa ee ay aqalka buufiyaan?
  • Hadii buufinta ama dawaynta aqalka uu la socdo buufis kululi, waydii shirkadu in ay isticimaash dawada kiimikada ah ee cayayaanka laysa iyo in kale?
  • Waa maxay talaabooyinka muhiimka ah loo baahanyahay in la qaado inta ay hawshani socoto?

Macluumaad dheeraad ah oo loo baahanyahay in la ogaado

  • Daawaynta isticimaalka kiimikada cayayaan dilaha ee munaafacaadka lihi waxa ka koobantahay sadexdan talaabo: Kiimiko haraa ah oo ku hardha meeshii lagu nadiifiyey ama lagu buufiyey isla markaasina si dhakhso ah u shaqaysa oo u disha cayayaanka. Kiimiko gaadhi karta ama tiigsan karta cayayaanka iyo wixii wasakh ah. Nooc iyana lagaga tegi karo ama lagu dhejin karo meelaha ay ku dhuuntaan ee ka qarsoon dadka iyo meelaha uu dhaq dhaqaaqu ka jiro.

Qeexida heshiiska Qandaraaska

  • Marka aad go’aansatid shirkada hawl galka la dagaalanka dhiqlaha, si taxader leh isaga eeg oo isga akhri heshiiska aad la saxiixanaysid.
  • Magaca shirkada iyo ciwaankooda ka hubu in uu ku yaalo waraaqaha heshiiska
  • Faah faahin wakhtiga ay shaqadu dhamaanayso
  • Nooca Kiimikada la dagaalanka cayayaanka ee ay isticimaalayaan
  • Talaabooyinka ama wixii adiga lagaaga baahanyahay inaad ku dhaqaaqdid ama sii qabatid
  • Maalinta la bilaabayo hawsha iyo maalinta ay ku eegtahay ama xiliga soo noqod hadii loo baahdo
  • Shatiga ama warqada sharciga shirkada iyo inshoranka ay bixiyaan
  • Waxyaabaha ka gaarka ah ee aan ku jirin heshiiska ama sharciga shirkada iyo cancelashankeeda, balan ka bixida, qodobada dhexdhexaadinta hadii iska hor imaad yimaado iyo wixii balanqaad ama garantii ah ee ay bixiso shirkadu
  • Iyo qiimaha

Hadii la isticimaalayo kiimikada sumaysa cayayaanka waxad shirkada waydiisataa in lagu siiyo waraaqo faahinaya nooca ay tahay iyo astaamaheeda. (MSDS) Shirkad sharciyaysan oo hawshan qabataa waa in ay ku sii saa waraaqahan oo ay weliba la guud maraan kalayankooda ama macmiishooda oo waa talaabo ka mid ah qandaraaskooda.

Udiyaargaroowga daawaynta

Inta aan la gaadhin maalinta daawaynta, waa samee wixii halwgal ah ee adiga dhankaaga looga baahanyahay ee shirkada PMP kuu dirto. Inaad qaado talaabooyinka lagaaga baahanyah oo dhami waxay lagama maar maan u tahay la dagaalanka iyo cidhib tirka dhiqlaha iyo guud ahaanba cayayaankan.

  • Maydhida dharkaaga iyo gogoshaada
  • Kala fududaynta wixii xafash ah oo aad dhulka ka qaadid
  •  Dayac tir oo samee wixii guriga ka jaban
  • Ka qaad wixii alaab ah meelaha la marayo si aanay u xayirin shaqaalaha
  • Ka gur wixii dhar ah khaanadaha, agagaarka sariiraha iyo kabadhada dharka
  • Galal geli Furaashyada sariiraha

Kadib marka ay shaqaalahu dhameeyaan hawsha, la xidhiidh shirrkada, hadii ay jiraan wax wel wel ama su’aalo  ah oo aad qabtid.

 

Shaqaalaynta Shirkada ladagaalanka Dhiqlaha(.pdf)