Ma Dhiqlaan Helay?
View this page in another language
English | Español (Spanish) | አማርኛ (Amharic) | العربية (Arabic) | 简体中文 (Chinese) | Français (French) | Hmoob (Hmong) | Oromo | Русский (Russian) | Somali | Tiếng Việt (Vietnamese)
Mar marka qaarkeed way adagtahay sida lagu gartaa dhiqlaha waayo waxa lagu khaldaa cayayaan yar yar oo kale. Waxakale oo is bedela aragtidooda oo ku xidhan da’dooda iyo hadba sida ay wax u cunaan.
Midabka dhiqlaha ay da’diisu wayntahay inta badan waa midab cas oo ma cafeey xiga dhererkooduna waa ilaa ½ -3/8 inch qiyaastii. Waxay dhererka leegyihiin iniinyaha tufaaxa oo kale. Dhiqlahu baalal malaha mana duulo si dhakhso badana hore iyo dhinac dhinacba wuu ugu socdaa.
Dhiqluhu marka aanu in mudo ah wax wucnin, wuu fidaa oo wuxu noqdaa balaadh. Marka uu dhiqle qaniino qofna, isla markiiba wuu bararaa oo dhuubtaa kadibna wuu casaadaa.
Hadii uu qugurigaaga dhiqle galay waxa laga yaabaa inaad aragtid xuub badhan oo uu ka siibtey dhiqlihii markii uu koray. Waxad ku garan kartaa in xuubkaasi ama maqaarkaasi yahay mid dhiqle, wuxu weli u eeghayay sidii dhiqlaha oo kale laakiinse wuu madhanyahay oo waa khafiif uu dhiqlihii ka baxay.
Dhiqlahu habeenkii ayuu soo baxaa oo waxay u badantahay in aanad maalintii arkin. Waxase suurtagal ah in ay soo baxaan maalintii hadii ay dareemaan in ay jiraan dad maalintii seexdaa si wax u cunaan.
Waxakale oo suurtag ah in dhiqluhu smaalintii soo baxo oo la arko hadii uu aad ugu badan yahay. Markaa ogoow hadii cayayaanka aad aragtay maalitii uu noqdo dhiqle, macnahu waa dhiqle tira badan ayaa aqalka ku jira.
Laakiinse baran barada ayaa iyana u aragti dhow dhiqlaha oo lagu khaldi karaa oo laga helo meelaha ay shimbiraha iyo fiidmeertu ku badan thiin. Si markaasi loo kala garto ama loo ogaado, waa in loo diraa sambal xafiisyada caafimaadka ee lagu baadho cayayaanka.
Hadii ay kula tahay inaad heshay dhiqle, isku day inaad ku qabatid koolada waraaqaha ah ama aad ku ridi bacda yar kadibna waxa kuu kala cadayn kara shaqaalaha u gaarka ah cidhibtirka cayayaanka yar yare e guryaha gala ee loo yaqaan (Exterminator).
Hadiise uu kuu kala cadaynwaayo ama ay suurtagal kuu noqon waydo inaad la kaashato Exterminator, sambalkii aad koolada ku qabatay ama aad bacda yar ku ridey u dir adarayskan:
Bed Bug Hotline
Rm 219 Hodson Hall
1980 Folwell Ave
St, Paul, MN 55108
Hadii aad heshid dhiqle, meel ku qor wakhtigii iyo meeshii aad ku aragtay waayo waxay caawinaysaa oo hawsha u fududaynaysaa shaqaalaha la dagaalanka dhiqlaha marka ay
gurigaaga ka baadhayaan dhiqlaha iyo sida ay kaaga dabar gooyaan lahaayeen.