Sida aad Aqalkaaga uga Xakaamayn kartid inuu Dhiqle Yeesho
View this page in another language
English | Español (Spanish) | አማርኛ (Amharic) | العربية (Arabic) | 简体中文 (Chinese) | Français (French) | Hmoob (Hmong) | Oromo | Русский (Russian) | Somali | Tiếng Việt (Vietnamese)
Dhiqlihu siyaabo kala duwan ayuu usoo geli karaa aqalkaaga, sida dhar hore loo isticimaalay, Alaabta aqalka la dhigo oo ah mid isticmaalay: Qofaad gaadhigaaga ku qaaday ama qof kusoo booqday. Waxays oo raacaan oo ku dhuuntaan dharka qofka, kabahiisa ama shandadaha gacanta amaba waxay soo raaci karaan adiga kuwaaga oo aad aqalka la timi.
Si aad aqalkaaga uga ilaalisid in dhiqle soo galo:
Ha keenin aqalkaaga alaab aqalka ee ay cidkale banaanka iska dhegaan sida furshaanta iyo sariiraha.
- Iska baadh hadii aad alaab dibada kasoo kiraysatid oo iska hubi in aanu dhiqle la socon. Hadaad iibsatid alaab hore loo isticimaalay, ka iibso meel ganacsi oo leh sharci xakamaynta dhiqlaha ama kutaanta. Akhri boga ay ku qorantahay ”Ma Dhiqlaa waxa aan helay” Si aad u heshid macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhiqlaha ama kutaanta.
- Ha dulsaarin oo ha dhigin shandadaha buugaagta iyo boorsooyinka gacanta sariiraha kuraasta dushooda .
Hadaad socdaashid, hoteelkaaga ama qolka aad seexanaysid ka eeg oo ka baadh dhiqle ama kutaan. Iska eeg alaabta qolka taala, shandadaha iyo wixii la mid ah. Shandadaada dharka iyo ta gacantaba ka ilaali sariirta dusheeda iskana baadh dhiqle ama kutaan marka aad amba baxaysid. Akriso bogan “Ka baadh dhiqle qolka hoteelkaaga” Si aad u heshid macluumaad kale oo dheeraad ah.
- Abartman haad degantahay iska laxaamad dal daloolada iyo meelaha dil dilaacsan ee u dhow biya mareenada iyo wayarada korantada. Talaabadani waxay kaa xakamaynaysaa dhiqlaha ama kutaanta kaaga soo gudbi kara abaarmanka kugu xiga.
- Hadii aad dareentid inaad la kulantay dhiqle ama kutaan, sida ugu dhakhsaha badan u maydh dharkaaga oo qalajisada ugu rid adiga oo heer-kulka ugu sareeya ee ay xamilikaraan ku qalajinaya. Hadii aanad isla markiiba maydhi karin oo qalajin karin, waa lagama maarmaan inaad bac ku xidhid ilaa iyo inta aad fursadaas helaysid oo meel ku rid.
- Kabaha, shandadaha gacanta iyo wixii la mid ah, waxad iyagana ku ridi kartaa qalajisada halka dhexe ilaa iyo mudo 20 daqiiqo ah ama inta aad is leedadahay way xamili karayaan.
Si aad u laysid dhiqlaha ama kutaanta, warbixin dheeraad ah ka akhriso “Maydhida alaabta si aad uga Dishid Dhiqlaha ama Kutaanta”