Waxyaabaha aad u baahanyahay in aanad samayn markaad heshid dhiqle
View this page in another language
English | Español (Spanish) | አማርኛ (Amharic) | العربية (Arabic) | 简体中文 (Chinese) | Français (French) | Hmoob (Hmong) | Oromo | Русский (Russian) | Somali | Tiếng Việt (Vietnamese)
- Ha isku buuqin oo ha welwelin. Dhiqlaha waad ka adkaan kartaa waadna maamuli kartaa hadii aad qaadid talaabooyinkan loogu talagay.
- Ha isku deyin inaad dhiqlaha ama kutaanta ku dishid kiimikooyinka beeraha iyo dhirta. Isticimaalka dawooyinka loogu talagalay dibadu dhibaato caafimaad ayay qoyskaaga u keeni karaan oo way ku xanuunsan karaan.
- Ha isku deyin inaad isticmaasho dawooyin ama kiimikooyin aad aqalka ku samaysay ama la isku dar daray. Waxyaabaha guriga lagu sameeyaa waa khatar dhibaatana way sii kordhin karaan.
- Ha isticimaalin dawooyin ama kiimikooyin aan Ingriisi ku qornayn oo afkale ku dhigan.
- Ha isku deyey, hana marin jidhkaaga dawada cayayaanka. Ogoow waad ku xanuunsan kartaa.
- Ha marin jidhkaaga alkolada, kiriimka Kerosenka ama faasliin. Kiimikooyinka ay kiriimadani ka samaysan yihiin waxay dhalin karaan dab.
- Ha qubin alaabtaada. Sariiraha iyo alaabadaada kaleba waxa lagu dawayn karaa dawooyinka loogu talagalay dhiqlaha ama kutaanta. Tuurida alaabadaadu way sii fidinaysaa dhiqlaha adigana waxay kugu khasbaysaa inaad iibsato alaabo cusub ooh or leh.
- Ka ilaali alaabda sariiraha hoostooda oo haku qarin alaabta aanad isticimaalaynin waayo waxay siinaysaa dhiqlaha meelo badan oo uu ku dhuunto. Taasina waxay adkaynaysaa la dagaalanka iyo cidhibtirka dhiqlaha ama kutaanta.
- Alaabtaada ha u kala rarin qolal kale oo aqalka ka mid ah, waayo waxay siinay dhiqlaha fursad uu kususii fido meela kale oo aqalkaaga ka mid ah.
- Alaabadaada ha ku duubin bacda madoow ee qashinka oo ha isku deyin inaan qoraxda u dhigto waayo qoraxdu ma siinayso kulayl ku filan oo dilikara dhiqlaha ama kutaanta.
Waxyaabaha aad samayn kartid hadii aad isleedahay dhiqle ama kutaab baad qabtaa:
- Hubi marka hore in waxa aad heshay yahay dhiqle iyo in kale. Akhri “Ma dhiqlaa waxa aan helay”
- La xidhiidh shirkada xakamaynta iyo ladagaalanka cayayaanka iyo mulkiilaha iska leh aqalka aad degantahay ama masuulka ka ah aqalka.
- Ku dhaqaaq talaabooyin aad ku xakamaynayso fiditaanka cayaankan oo akhri bogan ”Sida dhiqlaha aqalka looga xakameeyo”